Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore oo furmay
    Somalia

    Shirkii Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore oo furmay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxa ka socda kulan u dhaxeeya Xubno uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Somalia ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud.

    Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diidara lagu saarayaa Shan qodob  oo muhim ah,waxaana qodobadaasi soo bandhigay Xogayaha Guud Xisbiga UPD Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

    Hoos Ka Akhriso qodoboda looga hadlayo kulanka.

    1: Dastuurka iyo shuruucda dalka In ay saldhig u noqdaan habdhaqanka iyo hawlaha dawladda, ayna tahay in la ilaaliyo, oo aan dalka loo horseeedin fowdo iyo nidaam kalitalis ah.

    2:  Doorashooyinka iyo arrimaha ku geydaaman oo mugdi badan ku jiro In umadda loo caddeeyo, dalkana ay ka dhacdo doorasho daahfuran oo dastuurka dalka waafaqsan.

    3:  Khilaafka dawlad goboleedyada iyo dawladda dhexe In xal degdeg loo helo, si doorashooyinka dalku ay waqtigooda ugu qabsoomaan.

    4:  Gobolka Banaadir iyo dadkiisu In ay xuquuq u yeeshaan In ay maamulkooda soo doortaan, isla markaana hadda laga dulqaado ciriiriga iyo dhagxaanta cuuryaamiyey ganacsiga iyo dhaqaalaha dadka.

    5:  In laga garaabo gaboodfalladii lagula kacey madaxdii hore ee dalka ee shuruucda dalka hareer marsanaa.

    Kulanka u dhaxeeya Madaxweyne farmaajo iyo Madaxda Madasha xisbiyada ayaa yimid, kadib markii dhawaan uu kulan dhex-maray Xubno kamid ah Madasha iyo taliyaha NISA Fahad Yaasiin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.