Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muqdisho: Almaas Elman oo goor-dhaweyd lagu dilay Xerada Xalane
    Somalia

    Muqdisho: Almaas Elman oo goor-dhaweyd lagu dilay Xerada Xalane

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 20, 2019Updated:November 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Goor-dhaweyd lagu dilay gudaha Xerada Xalane ee saldhiga u aha Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, Almaas Elman Axmed oo mar soo noqotay Xoghayaha koowaad safaaradda Soomaaliya ee Kenya.

    Almaas Elman ayaa hadda ka tirsaneyd  Hey’adda Elman Peace oo uu Aas’aasay Aabaheed Elman Axmed oo caan ku ahaa ka Shaqeynta Nabada, kaas oo isna Muqdisho lagu dilay.

    Dilka Elmaas ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan, Ilo-wareedyo ku dhow dhow Xerada Xalane ayaana sheegaya in dilkeedu uu yimid kaddib markii Gaari ay wadatay xabad lagu riday ay ku dhacday, waxaana ay u geeryootay dhaawac soo gaarey xilli lagula tacaalayay isbitaal ku yaalla Gudaha xerada.

    Almaas Elman ayaa waxaa ay Walaalo ahaayeen gabadha Soomaaliyeed ee u tartamaysa billadda Nabadda ee Ilwaad Elman oo siweyn looga yaqaano Caalamka, waxaana weli la ogeyn cida ka dambeysa dilkaas.

    Xerada Xalane ee Muqdisho ayaa ah goob ammaankeedu aad u adag yahay, waxaana ku yaalla safaaradaha Dalalka Reer Galbeedka ee Soomaaliya, Sidoo kale waxaa degan xarumaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Hotelo  ay degan yihiin Ajaanib fara-badan.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.