Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Dhallinyaro ka timid Jaaliyadda Australia
    Somalia

    VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Dhallinyaro ka timid Jaaliyadda Australia

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019Updated:November 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyaro isugu jirta Dhakhaatiir iyo Ciyaartoo oo ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Australia, kuwaasi oo booqasho ku yimi Puntland.

    Kulanka waxaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ku wehelinayey Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha , Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland, Xafiiska Xiriirka Jaaliyaddaha ee Puntland iyo Madaxda Xiriirka Ciyaaraha ee Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in ay muhimtahay qorshaha dhallinyaradani ku yimaadeen Puntland, oo kor u qaadaya isdhex-galka dhallinyarada iyo barashada dalka iyo dhaqanka aynu leenahay.

    Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa bogaadiyey Dhakhaatiir qeyb ka ah wafdiga ka yimi Australia kuwaasi oo u yimi Puntland inay sameeyaan qaliin indhaha ah oo lacag laáan ah, mashruucaasi oo ay ka fulinayaan Boosaaso iyo Gaalkacayo waxaa ka faaídeysan doona dad gaaraya 450 oo qof.

    Wafdiga ka socda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Australia oo booqashadani u tahay markii saddexaad ee ay Puntland yimaadaan ayaa ka kooban 30xubnood, oo isugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, Ciyaartoo iyo tababaryaashooda. Waxaana inta ay joogaan Puntland ay sidoo kale Ciyaaro kubadda cagta ah kaga qeybgeli doonaan magaalooyinka Garoowe, Qardho, Boosaaso iyo Gaalkacayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.