Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay doorashooyinka Soomaaliya
    Somalia

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay doorashooyinka Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay galabta ayaa kulan ka yeeshay xaaladda Soomaaliya .

    kulankan oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid yahay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan; Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira; Guddoomiyah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Soomaaliya, Xaliimo Ismaciil iyo Guddoomiya Bulshada Rayidka ah Cusman Macallin.

     Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in Hiigsiga ajendaha 2020, uu u baahnaan doono wada-oggol siyaasadeed oo qoto dheer.

    Waxaa uu sheegay  sida ay muuhiimka u tahay in Baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyaan sharciga doorashada iyo meel-marinta wax kabadalka sharciga xisbiyada siyaasadda ka hor dhammaadka Diseember si looga fogaado wax kasta oo khatar gelin kara wakhtiga loo qabtay doorashada 2020.

    Waxaa uu xusay in Soomaaliya horumar ay ka gaartay deyn-cafinta, Qorshaha cusub ee Horumarinta Qaran, iyo dib u soo celinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.