Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo saxiixay fulinta xukunkii lagu riday Ragii dilay Caa’isho Ilyaas
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo saxiixay fulinta xukunkii lagu riday Ragii dilay Caa’isho Ilyaas

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa saxiixay fulinta xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Saddex nin lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falkii Af-duubka, kufsigii iyo dilka ahaa ee loo geystay Marxuumad Caa’isho Ilyaas Aadan, sida ay inoo xaqiijiyeen Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

    Xubno ku dhow dhow Xafiiska Madaxweyne Deni oo codsaday in aan Magacooda la shaacin ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu saxiixay fulinta xukunka dilka ah ee Saddexda Xukumane dhowr Todobaad ka hor, iyadoona la filayo in Maxkamaddu fuliso todobaadyada soo socda, si loo soo Afjaro Kiiska.

    Saddexda nin ee xukunka dilka ah lagu riday ayaa lagu kala magacaabo Cabdi Fataax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdisalaan Cabdiraxaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxaana xukunkooda si isku mid ah u riday Maxkamadaha Saddexda Darajo ee Puntland.

    Kiiska Caa’isho Ilyaas Aadan, oo aheyd Gabar 12 sanno jir ah oo fal isugu jiray Af-duub, Kufsi iyo Dil loogu geystay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug bishii (Febaraayo-2019), ayaa gilgilay quluubta Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland, waxaana si dhow isha ugu hayay mudadii ay Doodiisu socotay Shacabka Puntland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.