Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»1.7 Million oo Carruur Soomaaliyeed ah oo la talaalayo
    Somalia

    1.7 Million oo Carruur Soomaaliyeed ah oo la talaalayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Olole lagu tallaalayo ilaa 1.7 milyan oo Carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa Axaddii ka bilaawday deegaannada ay dowladdu maamusho, iyadoo la kaashanayo Hay’addaha WHO iyo UNICEF.

    Carruurta da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa laga talaalayaa cudurka dabeysha, waxaana tallaalka jadeecada la siin doonaa carruurta da’doodu u dhaxayso 6 iyo 59 bilood. Ololaha ayaa sidoo kale ka kooban fitamiin A dheeri ah oo loogu talagalay Carruurta ka yar 5 sano jir.

    Ilaa 29ka Noofembar shaqaalaha caafimaadka ayaa diiradda saari doona gobollada Benaadir, Galguduud, Hirshabelle, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, iyo carruurta ku nool degmooyinka ay ku badan yihiin dadka gudaha ku barokacay (IDPs).

    Mamunur Malik, Wakiilka WHO ee Soomaaliya, ayaa sheegay 7 carruur ah Soomaaliya uu dhinta mid ka mid ah ka hor da’da Shanta Sano, isaga oo intaa ku daray in arintaa looga hortagi karo oo kaliya sida uu hadalka u dhigay Talaalka muhiimad gaar ah u leh caafimaadka carruurta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.