Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka amniga oo maanta hor-tagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka
    Somalia

    Wasiirka amniga oo maanta hor-tagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya xaruntooda KMG ah ee Magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo inay hor-tagaan Masuuliyiinta Hay’adaha amniga.

    Xildhibaanada ayaa u yeeray shalay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Hay’adaha kale ee Amniga ee hoostaga Wasaaradda, oo ay kamid yihiin Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

    Waraaq shalay loo diray Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka ayaa looga dalbaday in isaga iyo Hay’adaha ammaanka ee Wasaaradda hoos-taga ay hor-yimaadan Golaha Shacabka, wallow aan lagu cadeyn waraaqda ujeedada loogu yeeray.

    Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka amniga iyo Masuuliyiinta kale wax laga weydiinayo xanibaad lagu soo rogay socdaalka Degaanada Jubbaland iyo dhag-xaanta lagu jaray waddooyinka Muqdisho oo sababay duruufo adag oo soo wajahay Shacabka.

    Wixii kasoo kordha kala soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.