Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»China oo u yeertay safiirka Mareykanka
    Somalia

    China oo u yeertay safiirka Mareykanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa Isniintii u yeertay safiirka Mareykanka Terry Branstad, si ay cabasho uga muujiso sharci uu ansixiyey Congress-ka Mareykanka oo lagu magacaabo Sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Dimoqraadiyadda Hong Kong.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in sharcigaas uu la macno yahay faro-gelin lagu sameeyey arrimaha gudaha ee China.

    Qoraal ay wasaaradda ku daabacday website-keeda ayey ku sheegtay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Zheng Zeguang uu ku cadaadiyey dowladda Mareykanka “inay saxdo qaladaadkeeda, islamarkaana joojiso faro-gelinta arrimaha Hong Kong iyo China.”

    Dibad-baxayaal kasoo horjeeda dowladda ayaa muddo lix bilood ah banaanbaxyo ka waday waddooyinka Hong Kong, xilli ay jiraan rabshado sii kordhaya iyo cabsi laga qabo in China ay sare u qaadi doonto jawaabta ay ka bixineyso qaadacaadda dowladda.

    Dibad-baxayaasha ayaa ka carreysan wax ay u arkaan inay tahay faro-gelin ay China ku sameyneyso xoriyadihii loo ballan-qaaday Hong Kong markii ay Britain dib ugu wareejisay China sanaddii 1997.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.