Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Ammaanka QM oo walaac ka muujiyay xaalada Soomaaliya (Warbixin)
    Somalia

    Golaha Ammaanka QM oo walaac ka muujiyay xaalada Soomaaliya (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya kadib markii dhowaan ay warbixin ka dhageysteen Ergeyga gaarka ah James Swan,wakiilka gaarka ah ee Midowga Africa Fransisco Madeira, Guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Ismaaciil iyo Cismaan Macalin oo ku hadlayay bulshada rayidka ah.

    Dhagaysiga kadib ayuu Goluhu soo saaray warbixin uu ugu baaqay Dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada goboleedyada inay dib u bilaabaan wadahadallada si xal looga gaaro arrimaha taagan islamarkaana loo dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

    Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si gaar ah u adkeeyay in xal laga gaaro xaalada Jubbaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintan.

    Xubanha Golaha Ammaanka ayaa  sidoo kale ku baaqay in horumar laga  gaaro dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug.

    Golaha ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo nabdoon, loo wada dhan yahay, la isku halleyn karo, mugdi ku jirin, islamarkaana waafaqsan dastuurka qabyada ah sanadka 2020 ama bilowga 2021ka.

    Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.