Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya Oo gacanta ku haysa dhismaha Ciidamo badeed Oo xoog badan
    Somalia

    Itoobiya Oo gacanta ku haysa dhismaha Ciidamo badeed Oo xoog badan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlada Itoobiya waxay gacanta ku haysaa dhismaha Ciidamo Badeed oo noqon doona kuwa ugu awooda badan Dalalka Gobolka.

    1000-Askari,ayaa tababar loogu qaaday dalka Ruushka si loogu diyaariyo Ciidan Badeed,waxaana laga soo xulay guud ahaan qaybaha Ciidamada Itoobiya.

    Brigadier General Kindu Gezu,ayaa noqonaya sarkaalka hogaamin doona Ciidamada badda Itoobiya oo farisinkooda ugu horeeyaa uu noqon doono dalka Jabuti.

    Brigadier General Kindu Gezu waa mid ka mdi ah saraakiisha loogu tixgalinta badan yahay Itoobiya lehna aqoon sare iyo khibrad fog,waxuna ka mid ahaa 25-Sarkaal oo 2016-kii loo dalacsiiyay.

    Brigadier General Kindu Gezu waa madaxii Xarunta Hayelom Araya Military Academy and Staff College.ka hor intaan loo magacaabin hogaaminta Ciidamada Badda.

    Sidoo kale Brigadier General Kindu Gezu waxuu soo noqday hogaamiyihii fadhiga Galbeed ee Ciidamada Itoobiya,kaasoo xaruntiisu ay tahay Bahrdar caasimada ismaamulka Amxaarada.

    Ciidamada Badda Itoobiya,waxaa si deeq daymeed ah ku maalgalinaysa Dowlada Faransiiska,waxaana ku baxaya tababarkooda iyo qalabayntooda aduun gaaraya 4-Bilyan oo Euros.

    Dowlada Jabuti,ayaa aqbashay oo heshiis kula saxiixatay Itoobiya in ay siiso Saldhiga koobaad ee Ciidankaas sida ku cad Warmurtiyeed laga soo saaray kulan kal hore dhexmaray Ra’isalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Jabuti,

    Jabuti waxay horay umartigalisay oo Saldhigyo ay siisay Ciidamo ka socda Dowladaha Maraykanka,Shiinaha, Japan, talyaaniga iyo Faransiiska.

    Ciidamadan,ayaa lagu qalabayn doonaa 12-diyaaradaha dagaalka,18 Helokobtar,laba Diyaaradaha xamuulka qaada oo waa weyn,10-diyaaradaha kaligood iswada ee wax basaasa, iyo 30-M51 oo awood uleh in ay wax ka garaacaan fogaan gaaraysa 6000-Km.

    Ciidamadan waxaa qorshahooda fog yahay in ya fariismo kale ku yeeshaan Dalalka kale ee Gobolka sida Somaliya.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.