Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waftigii beesha caalamka Oo kulan la qaatay Dowlada Jubaland
    Somalia

    Waftigii beesha caalamka Oo kulan la qaatay Dowlada Jubaland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 17, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale.

    Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada.

    Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay dayn cafinta waxaana uu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qalabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo.

    Madaxweynaha isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.

    Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici Karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.

    Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah ayuu Madaxweynahu sheegay in ay tahay caqabad weyn iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

    Arimaha Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in meel wanaagsan ay marayaan isla markana wax badan laga qabtay sidii midnimada iyo wadajirka Bulshada loo adkayn lahaa taas oo dadka shacabka ah iyo Xukuumada Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen isagoo xusay in fataahada wabiga Jubba ay meelo kamid ah Jubbaland saamayn ku yeesheen waxaana beesha caalamka uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay xaaladahaasi sameeyeen.

    Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhankiisa Madaxweynaha iyo Dowlada Jubbaland ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay waxaa kale oo uu Wakiilku sheegay in Jubbaland ay kasoo baxday waxyaabahii looga baahna ee ay kaga qaybqadanayeen dayn cafinta Soomaaliya.

    Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Madaxweynaha ay ka wada hadleen hanaanka Doorashooyinka 2020 iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada sidii loogu midoobi lahaa.

                         .........DHAMAAAAAD.........
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.