Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Deni Oo tacsi ka diray Qaraxii Ex-Control Afgooye
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Deni Oo tacsi ka diray Qaraxii Ex-Control Afgooye

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyDecember 28, 2019Updated:December 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

    Garoowe, 28, December, 2019: Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxa ay ka tacsiyaynaysaa Qaraxii arxan darada ahaa ee saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska X-kaantarool, taasi oo ahayd murugo iyo tiiraanyo ummadda Soomaaliyeed oo dhan taabatay.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Geleyaasha Dowladda Puntland wuxuu u tacsiyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee waxyeeladu saaka kasoo gaartey qaraxii Muqdisho ka dhacay, kaas oo uu cadawga ummada Soomaaliyeed ku xasuuqay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu Alle uga baryey Madaxweynuhu inuu u naxariisto shacabkii halkaasi ku nafwaayey oo u badnaa arday iyo xoogsato la Daalaa-dhacaayey noloshooda, una booga-dhayo intii ku dhaawacantay falkaasi wuxuushnimada ah.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa uu ugu baaqayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah in si wada jira loogu istaago sidii cadowga ummada Soomaaliyeed ee argagixisada ah meel looga soo wada-jeesan lahaa, loogana hor tegi lahaa dhagarta ay mar waliba u maleegayaan dadka rayid ka ah.

    Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in ay la qayb sanayaan murugada iyo tiiraanyada dadkii waxyeeladu kasoo gaartay falkii bahalnimada ahaa ee Argagixisadu u gaysteen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, isla’markaana Madaxweynuhu waxaa uu markale Allaah uga baryey intii ku dhimatay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo, intii ku dhaawacantayna u booga-dhayo caafimaad deg degana siiyo Aamiin Aamiin.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=2748349788579116&id=1347891271958315
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.