Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha amaanka Oo canbaareeyay Qaraxii Ex-Control
    Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)
    Somalia

    Golaha amaanka Oo canbaareeyay Qaraxii Ex-Control

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 2, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    UN

    Xubnaha Golaha Amaanka waxay tacsi tiiraanyo iyo dareen xambaarsan u dirayaan qoysaska dadkii ay dhibtu soo gaartay, iyo sidoo kale Dadka iyo Dowladda Somaaliyeed. Xubnaha Golaha Amaanku waxay dadka dhaawaca ah u rajaynayaan inay si dhakhso leh u bogsadaan.

    Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen in dhammaan noocyada iyo wajiyada kala duwan ee argagaxisadu ay yihiin qayb ka mid ah khataraha ugu culus ee soo foodsaartay amniga iyo nabadda caalamiga ah.

    Xubnaha Golaha Amaanku waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in cadaaladda la horkeeno dhagarqabayaashii geystay, kuwii soo abaabulay, kuwii maalgaliyay iyo kuwii mas’uulka ka ahaa falalkan foosha xun ee argagaxisada ah, waxayna ugu baaqeen dhammaan Dowladaha inay si firfircoon ula shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha ay khusayso arrintani, si waafaqsan waajibaadkooda ka saaran sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Golaha Amaanka ee khuseeya arrimahan.

    Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale ku celiyeen in falal kasta ee aragagaxiso ay yihiin faldembiyeedyo aan loo cudur daari karin, iyadoon loo eegeyn ujeedkooda, goob kasta oo ay ka dhacaan, goor kasta oo ay dhacaan iyo cid walba oo geysata.

    Xubnaha Golaha Amaanku waxay mar kale xaqiijiyeen baahida loo qabo in dhammaan Dowladuhu ay si walba ula dagaallamaan khataraha ay weerarada argagaxisadu ku hayaan amniga iyo nabadda caalamiga ah, si waafaqsan Axdiga Qaramada Midoobay iyo waajibaadyada kale ee uu dhigayo sharchiga caalamiga ah, oo ay ka mid yihiin sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, sharciga caalamiga ah ee qaxootiga iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada dagaallada. 

    Xubnaha Golaha Amaanku waxay ammaan u soo jeediyeen dhammaan daneeyaasha caalamiga ah ee ku hawlan sidii nabad iyo xasillooni loogusoo dabbaali lahaa Soomaaliya. Xubnaha Golaha Amaanka ayaa mar kale ku celiyay sida ay uga go’antahay inay taageeraan nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya. Waxay hoosta ka xariiqeen in weerarkan iyo weerar kasta oo kale ee argagaxiso aanu wiiqi doonin u heellanaantaas. 

    29 Disembar 2019Dhacdooyinkii ugu dambeeyay

    • Hadal-Qoraalka Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Soomaaliya

    DHEERI

    Hadal-Qoraalka Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Soomaaliya

    Hadal-Qoraalka Af-hayeenka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan Soomaaliya

    War-Saxaafadeed Wadajir ah oo Khuseeyo DoorashooyinkaCOPYRIGHT © 2020 UNITED NATIONS 

    • A TO Z SITE INDEX
    • NALA SOO XIRIIR
    • SHURUUDAHA ADEEGSIGA
    • XUQUUQDA LAHAANSHAHA
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.