Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ay lee yihiin Ciidanka Kenya
    Somalia

    Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ay lee yihiin Ciidanka Kenya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa aroortii saaka weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada Dowladda Kenya kaga sugan yihiin Xerada SIMBA kuna yaalla deegaanka “Manda Bay” ee Gobolka Lamu.

    Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo in ka badan saacad ka socdey Saldhiga la weeraray, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

    Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaas ay ku geeryoodeen Askar kamid Ciidanka Kenya, waxaana sidoo kale waxyeelo soo gaartay Gaadiid Xerada yaallay,  sida ay tabisay Qaar kamid Warbaahinta ka howlgasha gudaha Dalka Kenya.

    Dowladda Kenya weli kama hadlin weerarka lagu qaadey Saldhig Ciidamadooda ku sugan yihiin ee ku yaalla Gobolka lamu, waxaana la filayo in saacadaha soo socda ay faah faahin ka bixiyaan.

    Dhanka kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxaa ay ku daabaceen in Saldhigaas ay si wadajir ah ugu wada sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykan, waxaana weerarkan uu imaanaya xilli todobaadkii hore la weeraray Afar Bas oo ka yimid Magaalada Mombasa kuna sii jeeday Gobolka lamu.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.