Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisulwasaare Kheyre oo magacaabay guddi ay shaqadoodu bilaabaneyso 4 bilood kaddib.
    Somalia

    Ra’iisulwasaare Kheyre oo magacaabay guddi ay shaqadoodu bilaabaneyso 4 bilood kaddib.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga qaban-qaabada xuska sanad guurada 60-aad ee maalmaha xorriyadda Soomaaliya ee 26-ka June iyo 1-da Luuliyo.

    Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta XF Soomaaliya ayaa loo magacaabay guddoomiyaha guddiga oo ka kooban 13 xubnood, kuwaas oo u badan wasiirro ka tirsan xukuumadda Kheyre.

    Wasiir Maareeye oo ah guddoomiyaha guddigaas waxaa wehliya xubnaha kala ah, Wasiirrada Maaliyadda, Gaashaan-dhigga, Amniga gudaha, Dhallinyarada, Waxbarashada, Shaqada iyo Caddaaladda, guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Maareeyaha wakaaladda dhismaha, Agaasimaha Golaha wasiirrada, Agaasime ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada iyo guddoomiyaha guddiga wacyi gelinta Qaranka.

    Guddigan ayaa la sheegay in howshiisu ay ku egtahay laba bilood kaddib xuska maalmaha xorriyadda, waxayna shaqadoodu tahay inay qaban-qaabiyaan xuska maalmaha xorriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da July ee sanadkan 2020-ka.

    Sidoo kale, Guddiga uu hoggaaminayo Wasiir Maareeye ayaa la faray inay kaashadaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee heer gobol iyo heer degmo, waxaana xusid mudan in xiligan Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Dowladaha xubnaha ka ah uusan wanaagsaneyn xiriirka u dhexeeya.

    Xubnaha guddiga oo loo ogolyahay inay dhisan karaan howl-wadeeno ka hoos shaqeeya, ayaa waxaa xusid mudan inay shaqadoodu bilabaneyso afar bilood kaddib, waxayna dad badani is weydiinayaan waxa soo dedejiyey in xiligan la magacaabo xubnahan wasiirrada u badan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.