Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada iyo Mushahar Ciidamada Soomaaliya oo kordhay (Akhriso)
    Somalia

    Tirada iyo Mushahar Ciidamada Soomaaliya oo kordhay (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 5, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida ku xusan shaxda Wasaaradda Maaliyadda, ciidamada Soomaaliya, waxaa hadda mushaari ah illaa 40 kun oo ciidan, kuwaas oo qaadanaya $146 million.

    Tirada xoogga dalka guud ahaan waa: 24,063 waxaa kale oo wehliya 2,083 oo ah agoonta xoogga ah, tirada booliisku waa 12,084 oo lagu daray agoonta oo gaadheysa 1.557 halka asluubta lagu sheegay 1,112, waxaan cadadkooda aan la shaacin NISA iyo kuwa gaarka ah!

    Miisaaniyadda 2020, xoogga dalku waxay mushaar ahaan u heli-doonaan ilaa $81,064,240, waxaa ku jira ilaa 7 Major General, Brigadier General(89), Colonel(178), Lieutenant Colonel(122), Major(252), Captain(432), Lieutenant(633), Second Lieutenant(1,682) iyo lugta oo gaaraya 20,668.

    Mushaarkooda waa kala badanyihiin oo tusaale ahaan 7-bada Major General waxaa uu midkiiba bisha qaataa $1,200 halka ciidanka lugta midkiiba la siinayo $170 iyo cuntada oo ah $30.

    Ciidamada lugta ee tiradoodu tahay 20,668 waxay heli doonaan $48.6 million.

    Dhanka booliiska iyaga waxaa ku jira 5 Majors General oo qaadan doona mushaar la mid kuwa xoogga dalka halka kuwa darajada hoose waxay qaadan doonaan ($170) iyo $30 cunto ah sida militariga.

    Waxaa kale oo jira Ila 2,112 oo saraakiil booliis ah oo miisaaniyadda 2020 ku leh $42 million oo isugu mushaar iyo Cunto.

    Agoonta xoogg dalka oo gaadheysa ilaa 2,083 iyo kuwa booliiska oo tiradoodu tahay 1,557 waxaa loo qoondeeyey $200 oo mushaar iyo cunto ah. NISA, tiradoodu waa la qariyey laakin waxaa ay bishii isticmaalaan $552,950 halka sanadkiina ay ku baxeyso 14.5million.

    Asluubta waxaa ku jira saraakiil qaata lacag ka badan kuwa xoogga dalka iyo booliiska, tusaale ahaan Lieutenant General waxaa bishii soo gasha $5,000 halka Major General ay qaataan sida kuwa ciidamada kale -$1,200.
    Saraakiisha asluubta oo gaadhaya 2112 waxaa loo qoondeeyey $8.6 million.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.