Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo hanjabaad kulul u diray Dowladda Ciraaq
    Somalia

    Trump oo hanjabaad kulul u diray Dowladda Ciraaq

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay in cunaqabateyn aad u ballaaran uu kusoo rogi doona Dowladda Ciraaq, haddii ay dhaqangeliso qaraar uu meel-mariyay barlamaanka dalkaas.

    Donald Trump ayaa sheegay in saldhigga cirka ee uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq ay ku baxday balaayiin doolar, ciidamada Mareykakana aysan ka bixi doonin dalkaas ilaa iyo inta mas’uuliyiinta dalkaas ay ka bixinayaan kharashka Mareykanka uga baxay dhismaha saldhigaas.

    Barlamaanka dalka Ciraaq ayaa ansixiyay qorshe dalkaas looga saarayo ciidamada ajnabiga ah ee jooga gudaha wadanka Ciraaq.

    Arrintan ayaa lala xirirnayaan dilkii uu Mareykanka gudaha dalka Ciraaq ugu geystay Jeneraal Qasem Suleimani oo madax ka ahaa cutub kamid ah ciidamada ugu awoodda badan Iran, waxaana dilkiisa ay sii hurisay xiisadii awalba u dhaxeysay Iran iyo Mareykanka.

    Kulan aan caadi ahayn oo uu barlamaanka dalkaas yeeshay maalin kahor ayaa xildhibanaada barlamaanka waxay dowladda ugu baaqeen in dalkaas ay ka saarto ciidamada ajnabiga ah ee jooga, sidoo kalena ay ka laabato codsi ay xukuumadda horay ugu gudbisay xulafada uu hogaamiyo Mareykanka oo dhigaya in xukuumadda Baqdaad ay ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.