Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Xaaf iyo Hoggaamiyaha Ahlu-sunna oo kusoo wajahan Garoowe
    Somalia

    Madaxweyne Xaaf iyo Hoggaamiyaha Ahlu-sunna oo kusoo wajahan Garoowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa lagu wadaa inuu maalmaha soo socda soo gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Madaxweyne Xaaf oo haatan ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa casuumaad ka helay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, wararka ayaana sheegaya inuu safar dhulka ah uga soo bixi doono Gaalkacyo.

    Ilo-wareedyo ayaa sheegaya inuu Madaxweyne Xaaf ka qeybgalayo Shir Wada-tashi ah oo uga furmaya Magaada Garoowe Madaxda Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, kaas oo looga arrinsanayo Xaalada guurka Dalka, Doorashada Dalka ee 2020-2021 iyo Xaalada Galmudug oo haatan ay hareeyeen khilaafyo xooggan kaddib markii Dowladda Federaalka ay af-gambiday Madaxweyne Xaaf ayna sheegtay inay ka dhisi doonto Dhuusa-mareeb Maamul Iyadu wadato.

    Sidoo kale, Xubno katirsan Madaxtooyadda Puntland ayaa inoo Sheegay in Hoggaamiyaha ururka Ahlu-sunna Macalin Maxamuud uu kusoo wajahan yahay Magaalada Garoowe, isagoona qeyb ka ah Shirkan uu ku baaqay Madaxweyne Deni.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.