Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo kala diray Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo kala diray Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa kala diray Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo rasmi ah.

    Kala dirista Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland ayaa timid kaddib markii uu Madaxweynhuhu wada-tashi dheer la yeeshay Guddiga amniga, kaas oo ku aadanaa fadeexado badan oo dul-hoganayay Maxkamadaha Ciidamada Puntland.

    Ilo-wareedyo ayaa inoo sheegay in Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay eersadeen eedeymo la xariiri inay qaateen laaluus, sidoo kalena ay iibsadeen dambiilayaan katirsan Kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo dilal ka geystay Magaalooyinka waa weyn ee Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso.

    Sidoo kale, Ilo-wareedyada ayaa sheegay in kiiksas sida gaarka ah loogu heysto Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland uu yahay Eedeysanayaal loo soo xiray dilkii Madixii Shirkadda DP World Paul oo la sii daayay, waxaana xoguhu sheegayaan inay macquul tahay in qaar kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Ciidanka qalabka sida ee Puntland lagu soo oogo dambiyo.

    Kala dirista Madaxweyne Deni uu ku sameeyay Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, ayaan weli lala wadaagin saxaafadda, iyadoona sidoo kale aysan jirin illaa hada cid loo magacaabay. 

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.