Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safiirka Mareykanka oo ku wajahan Kismaayo & ujeedada socdaalkiisa
    Somalia

    Safiirka Mareykanka oo ku wajahan Kismaayo & ujeedada socdaalkiisa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaiya Amb. Donald Yamamoto, ayaa la filayaa inuu 9-ka bishan Janaayo (Khamiista), uu gaaro Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

    Socdaalka Danjire Yamamoto oo la qorsheynayay bartimihii bishii Decamber ee sanadkii tagay, ayaa dhowr jeer dib u dhac ku yimid, iyadoona uu ugu dambeyntii uu u baaqday fasaxyadii Ciida Kirismaska iyo Sanadka cusub awgood.

    Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Magaalada Garoowe laga sugayay tan iyo horaantii December 2019,a yaa u hakaday booqashada Yamamoto oo muhiim u ah Jubbaland.

    Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaiya Amb. Donald Yamamoto, ayaa la kulmi doona Madaxweyne Axmed Madoobe, kaas oo ay ka wada-hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin Doorashada Dalka ee 2020-2021, Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland iyo dagaalka lagula jiro Argagixisada Al-Shabaab.

    Safarka Amb. Donald Yamamoto, ee Magaalada Kismaayo ayaa muujinaya aqoonsiga Beesha Caalamka ee dib u doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe oo ay kahor timid Dowladda Federaalka, waxaana horey u gaaray kismaayo dhowaan qaar kamid ah safiirada caalamka ee Soomaaliya oo uu kamid yahay Wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.