Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Senatorada Golaha Aqalka sare ku matala Puntland oo ka hor-yimid ansixinta Sharciga Batroolka Dalka+VIDEO
    Somalia

    Senatorada Golaha Aqalka sare ku matala Puntland oo ka hor-yimid ansixinta Sharciga Batroolka Dalka+VIDEO

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 7, 2020Updated:January 7, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala degaanada Puntland ayaa kahor yimid Hindise – sharciyeedka Batroolka Dalka, oo shalay ay ansixiyeen Golaha Aqalka sare.

    Senatorada oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Hindise sharciyeedka Batroolka dalka ay ku jiraan qodobo badan oo dhaawacaya midnimada iyo wada-tashiga Dalka, iyagoona tilmaamay in la doonayo in lagu boobo kheyraadka Dalka.

    Senator Maxamuud Mashruuc oo kamid ah xubnaha Golaha Aqalka sare ku matala Puntland ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Kheyraadka Aqalka sare ayaa Sheegay in sharciga ay kusoo sameeyeen wax ka badal balaaran balse Xukuumaddu ay olale u gashay in Goluhu uu meel-marin baalmarsan sharciga ku sameeyo kii uu soo ansixiyay Golaha Shacabka BJFS.

    Sidoo kale, Senator Mashruuc ayaa xusay in Hindise sharciyeedkan uu bud-dhig u ahaa shirkii qeybsiga kheyraadka ee Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ku gaareen Magaalada Baydhabo, kaas oo golaha Aqalka sare horyaalla aanan weli la ansixin.

    Ugu dambeyntii, Senator Mashruuc ayaa ugu  baaqay Madaxweynaha Dowladda Federaalka in uusan meel-marin Hindise sharciyeedkan oo ah mid dhaawacaya midnimada Dalka, sidoo Kalena sahlaya boobka kheyraadka dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.