Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Iran oo duqeysay saldhigyo uu Mareykanku ku lee yahay Ciraaq
    Somalia

    Iran oo duqeysay saldhigyo uu Mareykanku ku lee yahay Ciraaq

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 8, 2020Updated:January 8, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay Iran ay in ka badan 10 madfac xalay ku garaacday laba saldhig oo uu millatariga Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Mareykanka ee loo yaqaano Pentagon-ka, ayaa sheegay in gantaallada baalistiga lagu garaacay saldhigyada al-Assad iyo Irbil ee ciidamada cirka Mareykanka. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in saldhig saddexaad oo lagu magacaabo Camp Taji oo 27 km u jira magaalada Baghdad isna la duqeeyay.

    Bayaan kasoo baxay Ciidamada Ilaalada kacaanka Iran ayaa lagu sheegay in uu si guul ah ku dhamaaday weerar ay sheegeen in ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin Ciraq. Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in duqeyntaasi loogu aargudayay jeneraal Qassem Soleimani oo ay todobaadki hore Mareykanka ku dileen duqeyn cirka ah xilli uu marayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Baghdad.

    Wali ma jirto wax war ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta ay Iran u geysatay saldhigyada Mareykanka ee Ciraq, hase yeeshee Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in ay ka shaqeyneyso sidi ay usoo ururin laheyd xogta ku saabsan khasaaraha weerarkaasi.

    Dhanka kalana, hadal qoraal ah oo uu bartiisa twitter-ka soo dhigay, ayuu madaxweyne Trump ku sheegay in wax walba ay hagaagsanyihiin ilaa iyo hadda isla markaana ay qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay gantaallo ay Iran ku soo tuurtay laba saldhig oo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraq.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.