Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay Xukuumadiisu furaneyso Xisbi siyaasadeed
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo sheegay inay Xukuumadiisu furaneyso Xisbi siyaasadeed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 8, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ‘Deni’ ayaa sheegay inay furanayaan urur siyaasadeed Xukuumadda ku matala hanaanka dimuqraadiyaynta Puntland ee xisbiyada badan.

    Siciid Deni ayaa markii uhoraysay kadhawaajiyay xiliga ladaahfurayo ururka, waxaa uusheegay in Bisha 2aad ee sanadkan lagu dhawaaqi doona magaca urur siyaasadeedka xukuumadda talada haysa haatan iyo qorshihiisa.

    ”Waxaan idiin sheegayaa in bisha 2aad aan ku dhawaaqi doono urur siyaasadeedka Dawladda, iyo magaciisa haatana uu socdo qorshihiisii” ayuu yiri, madaxweyne Deni oo kahadlayay Xaflad lagusoo bandhigayay waxqabadka Xukuumadda uu hogaamiyo oo sanad jirsatay.

    Kaqayb galayaasha xafladda iyo bulshada qaybaheeda kale ayuu ugu baaqay inay kula midoobaan ururka oo uu sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo kuqanacda qorshe siyaasadeedkooda.

    Deni ayaa sanadkii uhoreeyay xilhayntiisaba soodhisay gudiga Doorashooyinka oo KMG ah, kuwaas oo iyaguna soo bandhigay qorshahooda, dhanka kalana waxaa socota diiwaan galinta xisbiyada siyaasadeed oo haatan qaarkood lasiiyay shahaadada Xisbinimo kadib markii ay buuxiyeen shuruudihii looga baahnaa.

    Xukuumadda talada haysa oo bilowga sanadkoodii 2aad furata urur siyaasadeed,hadii ay hirgal noqoto, waxay rajo wanaagsan galinaysa shacabka Puntland oo hamuun uqaba in codkoodu waxtaro cidda ay rabaana doortaan, dhanka kalana waa ififaalo wanaagsan oo talaabo loogu qaaday Nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ugu guurayso habka qabaliga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.