Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weerar lagu qaadi lahaa Saldhiga Ciidanka UK ee Kenya oo la fashiliyay
    Somalia

    Weerar lagu qaadi lahaa Saldhiga Ciidanka UK ee Kenya oo la fashiliyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 9, 2020Updated:January 9, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saddex nin ayaa la qabtay iyagoo isku dayaya inay xoog ku galaan xerada tababarka ciidamada Ingiriiska ee ku taal Kenya, axadii lasoo dhaafay, oo aheyd maalin kaddib markii la weeraray saldhiga Ciidanka Mareykanka ee Degaanka Lamu ee Dalka Kenya, sida ay warisay warbaahinta kenya.

    Raggan oo la qabtay oo la xiray ayaa loola dhaqmay, sidii tuhmanayaal Argagixiso, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee Associated Press, oo xiganeysa booliska gudaha.

    Saddex ka tirsan ciidamada militariga Mareykanka ayaa lagu dilay, halka qaar ka mid ah diyaaradaha Mareykanka iyo gawaarida, lagu burburiyey intii uu socday weerarkii lagu qaaday axadii lasoo dhaafay saldhiga Manda Bay ee degaanka Lamu ee Dalka Kenya, kaasoo billowday waaberigii hore, socdayna illaa afar saacadood.

    Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda weerarkaas ayaa tilmaamtay inay burburiyeen todobo diyaaradood iyo seddex gaari oo militari, laakiin faahfaahin kama aysan bixin khasaaraha dhankooda.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.