Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shiinaha: Waxaan dooneynaa in DJabuuti ay kaalin muhiim ah ka cayaarto caalamka
    Somalia

    Shiinaha: Waxaan dooneynaa in DJabuuti ay kaalin muhiim ah ka cayaarto caalamka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 9, 2020Updated:January 9, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Arimaha Dibada ee Shiinaha Mr. Wang Yi, ayaa sheegay in Shiinuhu uu doonayo in Dowladda Jabuuti ay kaalin muhiim ah ka cayaarto arrimaha gobolka, caalamka, oo ay ku jirto Golaha amaanka.

    Mr. Wang Yi, ayaa hadalkan jeediyay xilli uu maanta ka hadlayay qasriga Madaxtooyadda Jabuuti oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

    Sidoo kale, Wasiirka arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa sheegay inay Jabuuti ku taageerayaan helista kursiga Golaha ammaanka QM, isagoona yiri “Waxaan taageereynaa in Jamhuuriyadda Jabuuti ay noqoto musharraxa gobolka Bariga Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee golaha amniga.

    Wasiirka Arimaha Dibada ee Shiinaha Mr. Wang Yi, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa intii uu socday kulankooda ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin saaxibtinimada iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo guul wadaagga oo ay labada dowladood ku sii wadayaan isbadal muhiim ah oo horumarineed, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay Madaxtooyadda Jabuuti.

    Shiinaha ayaa ka wada Dalka Jabuuti Mashaariic ay kamid yihiin Dekadda Weyn (DMP), jid-tareenka korontada iyo aagga cusub ee bilaashka ah ee pk 23, iyo mashaariic kale.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.