Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyaha KMG ah ee Maxkamadda sare ee CQS ee Puntland (Akhriso)
    Somalia

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyaha KMG ah ee Maxkamadda sare ee CQS ee Puntland (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 12, 2020Updated:January 12, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni ayaa Xil-kaqaadis ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Iyo Danbiyada Culus Ee Dowladda Puntland, isagoona magacaabay Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay.

    Madaxweyne Deni ayaa u magacaabay G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan, Guddoomiyaha KMG ah ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xilka qaadis ku sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, kuwaasi oo kala ah:

    2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
    2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
    2.3. G/sare. Aadan Xuseen Maxamed Garsoore
    2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
    2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
    2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in Xil-kaqaadista uu ku sameeyay Guddoonka iyo xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, ay ku timid Cabashooyin taxane ah oo la xariira caddaalad-darro, kuwaas oo uga yimid mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

    Shabakadda Idil News ayaa maalmo kahor shaacisay is-bedelka uu Madaxweynuhu ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorka Maxkamadda sare ee Ciidanka Puntland, iyo in Madaxweynaha ay xafiiska hareeyeen Dacwado la xariira Musuq-maasuq, Cadaalad-darro iyo Laaluush laga qaatay Xubno katirsan Argagixisada oo la sii daayay.

    Halkaan Hoose ka Akhriso Wareegtada kazoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.09 kuna taariikheysan 12 January, 2020 ayaa Guddoomiye Ku meel gaar ah u magacaabay Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada culus ee Dowladda Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu xilka-qaadis ku sameeyay Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.


    Madaxweynaha Dowladda Puntland.

    Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad, faqraddiisa 19-aad.

    Markuu arkay: Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland

    Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro oo ka imanaya mas’uuliyiinta Dowladda qaarkood iyo dadweynaha Puntland.

    Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo guddoonka iyo garsooreyaasha Maxkamadaha Sare ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

    Wuxuu xeeriyey:

    1. Waxaa G/Sare. Axmed Cabdi Bootaan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

    2. Waxaa xilka qaadis lagu sameeyey Guddoonka iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

    2.1. S/guuto. Siciid Abyan Cigaal Guddoomiye
    2.2. G/sare. Maxamuud Nuur Muuse Guddoomiye ku-xigeen
    2.3. G/sare. Aada Xuseen Maxamed Garsoore
    2.4. G/sare. Maxamed Aadan Jaamac Garsoore
    2.5. G/sare. Cabdirisaaq Axmed Cali Garsoore
    2.6. G/sare. Cabdifitaax Xaaji Aadan Garsoore

    Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

    = DHAMMAAD=

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.