Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga adduunka oo cadeeyay magaalooyinka uu ugu tala-galay Mashruuca SUPR 2 (Warbixin)
    Somalia

    Bangiga adduunka oo cadeeyay magaalooyinka uu ugu tala-galay Mashruuca SUPR 2 (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa shalay is hor-taagay dhaqaale gaaraya 112 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, kaas oo uu ugu deeqay Bangiga adduunku in lagu hormariyo 4 Magaalo oo kamid ah kuwa ugu waa weyn Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo.

    Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa u sababeeyay is hor-taaga Lacagtan oo magaalo walba helayso 28 Milyan oo dollar, in aysan ku jirin Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Jowhar ee Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaas oo beel ahaan uu ku abtirsado Ra’iisulwasaare Kheyre, sidoo kalena Madaxdoodu ku xiran yihiin Xafiiskiisa.

    Hadaba Maxaad ka og-tahay Lacagtan ?

    Bangiga Adduunka ayaa lacagtan shaaciyay “9-kii bishii Decembar ee sanadkii tagay ee 2019”, iyadoona Bangigu uu sheegay in Lacagtan loo ansixiyay hormarinta 4 Magaalo, oo saddex kamid ah ay xurumo u yihiin Dowladda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

    Qoraal kazoo baxay Bangiga adduunka waqtigaas, ayaa lagu yiri “Bangiga adduunka ayaa manta (9-12-2019), ansixiyay deeq lacageen oo dhan $ 112 Milyan oo dollar, taas oo loogu tala-galay kaabayaasha dhaqaale ee ahmiyadda u leh Magaalooyinka Soomaaliya, laguna xoojinayo awooda Dowladaha Hoose”

    Bangiga adduunka ayaa intaas ku daray “Mashruuca SUPR 2 ee Magaalooyinka Soomaaliya wuxuu sahli doonaa maal-gashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka istiraatiijiga ah, sida Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhaba, Iyadoo sidoo la dhigayo aasaaskii ballaarinta Mashruucaan, Magaalo madaxda Galmudug iyo Hirshabelle waxay iyana bilaabanayaan wajiga kowaad ee mashruucan, halka magaalooyinka kor ku xusan ay marayaan wajigii labaad ee Mashuuraca”.

    Halkaan Riix si aad u akhriso Warbixinta Bangiga adduunka oo dhameystiran.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    July 2, 2025

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    July 1, 2025

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    July 1, 2025
    Latest Posts

    Wasaarada Difaaca Ugandha oo ka hadashay Shilka Diyaaradeed

    Goorma,ayaa la bilaabayaa dhismaha Wadada Galkacyo-Xarfo?

    Sidee u aragtaa BC PL oo noqota Dowlad gaar ah ?

    Wararkii ugu danbeeyay Dabka ka kacay Buuraha Ceerigaabo

    Garowe oo si weyn looga xusay Sanadguurada Xoriyada

    Eretereya oo Tobanaan Kun oo Askari utababaraysa Sudan

    TikTok oo ay ubadan tahay in ay iibsadaan Ganacsato Maraykan ah

    Qatar oo bahdishay Madaxweynaha Somaliland

    Puntland:-Shirweynaha maamul-baahinta Dowladda Puntland oo furmay

    Gaas oo loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Koonfurta Sudan

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.