Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Bangiga adduunka oo cadeeyay magaalooyinka uu ugu tala-galay Mashruuca SUPR 2 (Warbixin)
    Somalia

    Bangiga adduunka oo cadeeyay magaalooyinka uu ugu tala-galay Mashruuca SUPR 2 (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 19, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa shalay is hor-taagay dhaqaale gaaraya 112 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, kaas oo uu ugu deeqay Bangiga adduunku in lagu hormariyo 4 Magaalo oo kamid ah kuwa ugu waa weyn Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo.

    Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa u sababeeyay is hor-taaga Lacagtan oo magaalo walba helayso 28 Milyan oo dollar, in aysan ku jirin Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Jowhar ee Maamulada Hirshabelle iyo Galmudug, kuwaas oo beel ahaan uu ku abtirsado Ra’iisulwasaare Kheyre, sidoo kalena Madaxdoodu ku xiran yihiin Xafiiskiisa.

    Hadaba Maxaad ka og-tahay Lacagtan ?

    Bangiga Adduunka ayaa lacagtan shaaciyay “9-kii bishii Decembar ee sanadkii tagay ee 2019”, iyadoona Bangigu uu sheegay in Lacagtan loo ansixiyay hormarinta 4 Magaalo, oo saddex kamid ah ay xurumo u yihiin Dowladda Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

    Qoraal kazoo baxay Bangiga adduunka waqtigaas, ayaa lagu yiri “Bangiga adduunka ayaa manta (9-12-2019), ansixiyay deeq lacageen oo dhan $ 112 Milyan oo dollar, taas oo loogu tala-galay kaabayaasha dhaqaale ee ahmiyadda u leh Magaalooyinka Soomaaliya, laguna xoojinayo awooda Dowladaha Hoose”

    Bangiga adduunka ayaa intaas ku daray “Mashruuca SUPR 2 ee Magaalooyinka Soomaaliya wuxuu sahli doonaa maal-gashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalooyinka istiraatiijiga ah, sida Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhaba, Iyadoo sidoo la dhigayo aasaaskii ballaarinta Mashruucaan, Magaalo madaxda Galmudug iyo Hirshabelle waxay iyana bilaabanayaan wajiga kowaad ee mashruucan, halka magaalooyinka kor ku xusan ay marayaan wajigii labaad ee Mashuuraca”.

    Halkaan Riix si aad u akhriso Warbixinta Bangiga adduunka oo dhameystiran.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    September 15, 2026

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    September 15, 2026

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    September 14, 2026
    Latest Posts

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    BADHAN: Maleeshiyaad beeleedyada oo bilaabay in ay fuliyaan Amarkii Puntland

    XOG: Maxaan ka ognahay safarka Madaxweyne Deni ku aaday Kenya ?

    JABUUTI: Yemeniyiin kasoo cararay dagaalada cusub oo gaaray Obock

    YEMEN: Muhiimada magaalada Mocha ee Xuutiyiintu qabsadeen

    Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Burcad-badeeda

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.