Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ma dhab baa in Al-Shabaab ay 18 xubnood ka heleen Baarlamaanka Galmudug ? (Warbixin)
    Somalia

    Ma dhab baa in Al-Shabaab ay 18 xubnood ka heleen Baarlamaanka Galmudug ? (Warbixin)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 22, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    18 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka cusub ee Galmudug  ayaa lagu sheegay inay daacad u yihiin kooxda Al-shabaab, sida uu qoray wargeyska Hor Observer.

    Sida uu wargeysku kasoo xigtay ilo xog-ogaal ah, kooxda Al-shabaab ah aya si adag waxay ugu ololeeyeen in xildhibaannadaan lagusoo daro baarlamaanka Galmudug.

    “Haddii aan xitaa ogaan lahayn, ma joojin karno. Dowladda Federaalka waxba kama qaban karto xilligan xasaasiga ah ee doorashada,” ayuu yidhi odey dhaqameed magaciisa qariyay oo u waramay  Hor Observer.

    Ujeedadda Al-shabaab ku doonayso inay saameyn ugu yeelato barlamaanka Galmudug, ayaa ah, iyagoo raba in ay helaan hoggaamiye daacad u ah awaamiirtooda. ”

    Warbixintu waxay sheegaysaa in odayaasha qabaa’ilka la ogeysiiyay in qof Alshabab ka socda ay fadhiisiyaan kursiga barlamaanka ayna iska iloobaan tartamayaasha kale.

    “Qofna ma diidi karo tilmaamaha al-Shabaab. Al-Shabaab meel walba waa joogtaa. Haddii aad addeecin weydo, subaxa xigga waa lagu soo tooganayaa,” ayuu odaygu u sheegay Horn Observer.

    Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa u sheegay wariye ka tirsan wargayska Horn Observer in uu ogyahay in ururka Ahlsunna Waljameeca ay ka cawdeen 18 xubnood oo al-Shabaab ah oo soo galay baarlamaanka Galmudug. laakiin wuxuu sheegay in tani qof kasta uu iska dhaga tiray.

    Wuxuu sheegay in al-Shabaab ay sidoo kale si adag uga shaqeynayaan taageerida qaar ka mid ah tartamayaasha madaxweynaha.

    Xildhibaanka ayaa u sheegay wargeyskaa in ay iska caddahay in al-Shabaab ay saameyn ku leeyihiin baarlamaanka cusub ayna  leeyihiin ra’yi ku saabsan doorashada.

    Warbixintaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalin kahor hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya ee NISA ay soo bandhigtay fanaan katirsanaa bahda fanka gobolka Banaadir islamarkaana u shaqeynayay kooxda Al-shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.