Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka: Darawal xeelad yaab leh ku maray Wadadad Gaadiidka rakaabka wada
    Somalia

    Mareykanka: Darawal xeelad yaab leh ku maray Wadadad Gaadiidka rakaabka wada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin darawal ah ayaa gudaha Mareykanka lagu qabtay isagoo isku dayaya in qalfoof been abuur ah uu ka dhigto qof rakaab ah si uu u isticmaalo waddada ay maraan baabuurta sida rakaabka, sida basaska oo kale.

    Waaxda Badqabka Dadweynaha ee Arizona ayaa sheegtay in sarkaal ka mid ah shaqaalahooda uu gaari nin 62 sano jir ah uu watay ku amray in uu dhinac u baxo ka dib markii uu ogaaday in waxa baabuurka saaran uu yahay qolfoof laga soo dhigay sida qof rakaab ah, kaa oo xirnaa koofi isla markaana lagu xiray kursiga rakaabka loogu tala galay.

    Darawalkaasi ayaa tikidh ganaax ah loo jaray, waxaana waaxdaasi ay wakaaladda wararka ee AP u sheegtay in sanad kastaa qiyaastii 7,000 oo darawal Arizona lagu qabto iyaga oo jebinaya sharciga waddooyinka khaaska u ah gawaarida sida dadka rakaabka ahi.

    Farriin qoraal ah oo ay waaxdani soo dhigtay barteeda Twitter-ka, ayay darawaliinta kale uga digtay in ay isku dayaan khiyaanada noocaasi oo kale ah.

    “Miyay kula tahay in waddadaasi aad ku mari kartid qolfoof rakaab laga soo dhigay? Dabcan waad khaldan tahay!” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

    Qoraalkaasi ayaa waxaa la socday sawir laga soo qaaday gaariga uu ninkaasi watay, oo muujinaya qalfoof been abuur ah xiran koofi indhaha u dabooshay.

    Ninkan reer Arizona ma ahan kii ugu horreeyay ee soo adeegsaday xeelad xad dhaaf ah si uu uga badbaado shuruucda darawallada aan rakaabka wadin ka mamnuuceyso in ay maraan waddooyinka gaarka ah ee loogu tala galay gaadiidka sida dadka rakaabka ahi.

    Bishii Abriil ee la soo dhaafay, nin ayaa lagu qabtay isagoo maraya waddadaasi, oo uu baabuurka u saaran yahay boombale loo soo xiray koofi iyo muraayadaha qorraxda laga xirto, sida ay sheegtay wadaaladda wararka ee AP.

    BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.