Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maamulka Gedo oo walaac ka muujiyey Ciidamada DFS ku Daad gureeysay Gobolkaas
    Somalia

    Maamulka Gedo oo walaac ka muujiyey Ciidamada DFS ku Daad gureeysay Gobolkaas

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 26, 2020Updated:January 26, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq Al-qaadi ayaa ka hadlay ciidamo ay dowladda Soomaaliya geysay degmooyin ka tirsan gobolkaas.

    Al-Qaadi oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamo afduuban todobaadkii hore ay dowladdu ka dejisay degmada Baardheere, balse markii ay ka dagaalameen arinka ciidankaas lagu geeyey Baardheere loo qaaday dhanka degmada Luuq ee isla gobolka Gedo.

    Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in maanta ciidan kale oo tiro ahaan gaaraya 70 askari ay dowladdu ka dejisay degmada Luuq oo ay horay ugu sugnaayeen ciidankii ka socday dowladda federaalka ee laga soo celiyey Baardheere.

    Sheekh Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa ka digay in dagaal uu ka dhaco gobolkaas, isagoo sheegay in dhankooda aysan diyaar u aheyn dagaal aan aheyn kan Shabaab ay kula jiraan.

    Sidoo kale waxa uu sheegay in arinka ciidamada lagu geynayo gobolkaas ay gadaal ka riixayaan laba nin oo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya oo uu ku kala sheegay, Sakeriye iyo ina Kulone, isla markaana aysan madaxda dowladdu wax badan ka ogeyn falalka ay ragas ka wadaan gobolka, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo dadka ka hor keenaya dowladda.

    Dhinaca kale guddoomiye Al-qaadi ayaa sheegay in uusan jirin sharci u ogolaanaya dowladda federaalka inay soo magacaawdo maamul gobol, maadaama uu dalka ka jiro nidaam federaal ah, dowlad goboleedna ay hoos tagaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.