Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: DF Soomaaliya ma waxay aragtay dabaca Puntland ee Hormarinta Waxbarashada dhalaankeeda ?
    Somalia

    Faallo: DF Soomaaliya ma waxay aragtay dabaca Puntland ee Hormarinta Waxbarashada dhalaankeeda ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan,  oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeelay Wasiirka Waxbarashada XFS C/llaahi Goodax Barre, kaas oo ku aadanaa in aysan arday Reer Puntland siin doonin Shahaado.

    Wasiirka C/llaahi ayaa ku eedeeyay Mr. Goodax Barre inay ka buuxdo xumaan iyo naceybka Puntland, isagoona sheegay inuu ka tarjumayo Aragtida Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Maxaa la isku hayaa ?

    Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan,  ayaa intii uu socday shirkiisa jaraa’id soo bandhigay heshiisyo ay wada galeen Wasaaradaha Waxbarashada Dowladda Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la gaaray sanadihii 2015-kii iyo 2017-kii, kuwaas oo dhigayay in Shahaadooyinka ay siiso Wasaaradda Waxbarashada Dowladda  Federaalka ardayda ka baxda Dugsiyadda sare ee Puntland.

    Dastuurka KMG Ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dhigaya in Dowladda dhexe ee Xamar, ay awoodaheedu yihiin 4, kuwaas oo kala ah, Gaashaandhigga, Maaliyadda, Arrimaha Dibedda iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha, iyadoona wixii kasoo hara afartaas awoodood ay yihiin kuwo gaar  ay u lee yihiin Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo kuwo in wada-tashi iyo heshiis ka gaaraan Labada dhinac ah.

    Arrimaha Bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa ah awoodaha maamulkooda ay lee yihiin Dowladaha xubnaha ka ah DFS, sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee Dalka, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland ayaana ku tilmaamay qorshaha Wasiir Goodax mid aysan marna qaadan doonin Puntland.

    DFS ma waxay dareenta inay Puntland u dabacsan tahay Hormarinta Mastaqbalka Carruurta Degaanadeeda ?

    Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland ayaa waxaa ka dhex aloosan 2 sanno ee ugu dambeysay Khilaafka siyaasadeed, kaas oo salka ku haya arrimaha masiiriga ah ee Dalka, kuwaas oo ay Puntland ku doodeyso inuu xaq u siinayo Dastuurka KMG ah ee Dalka, in lagala tashado.

    Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland ayaa shirkiisii jaraa’id ee axadii ku sheegay in Dowladda Federaalka ay siyaasadeysay arrimaha Waxbarashada Dalka iyo Shahaado siinta ardayda Reer Puntland, oo ah kuwo hela Waxbarashada ugu tayada badan Soomaaliya.

    Waxbarashada Puntland ayaa lagu ammaanay inay tahay mid dheeli-tiran, sidoo kalena ay Puntland ku bixisay dadaal balaaran sanadihii ugu dambeeyay, Dadka la socda arrimaha Siyaasadda ayaana qaba in Dowladda Federaalku ay u muuqato inay dooneyso inay carqaladeyso Hormarinta Waxbarashada Puntland, si dabacsani uga hesho Puntland, kaddib markii ay ku loodin weyday fagaarayaasha Siyaasadda.

    Professor Cabdi Ismaaciil Samatar, oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya mid ku wareeray Siyaasad, oo u muuqda in uusan garaneyn shaqada loo igmaday, isagoona intaas ku daray inuu ka turjumayo Tayo xumada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.