Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: DF Soomaaliya ma waxay aragtay dabaca Puntland ee Hormarinta Waxbarashada dhalaankeeda ?
    Somalia

    Faallo: DF Soomaaliya ma waxay aragtay dabaca Puntland ee Hormarinta Waxbarashada dhalaankeeda ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan,  oo Warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa si kulul uga jawaabay hadal dhowaan kasoo yeelay Wasiirka Waxbarashada XFS C/llaahi Goodax Barre, kaas oo ku aadanaa in aysan arday Reer Puntland siin doonin Shahaado.

    Wasiirka C/llaahi ayaa ku eedeeyay Mr. Goodax Barre inay ka buuxdo xumaan iyo naceybka Puntland, isagoona sheegay inuu ka tarjumayo Aragtida Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Maxaa la isku hayaa ?

    Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan,  ayaa intii uu socday shirkiisa jaraa’id soo bandhigay heshiisyo ay wada galeen Wasaaradaha Waxbarashada Dowladda Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la gaaray sanadihii 2015-kii iyo 2017-kii, kuwaas oo dhigayay in Shahaadooyinka ay siiso Wasaaradda Waxbarashada Dowladda  Federaalka ardayda ka baxda Dugsiyadda sare ee Puntland.

    Dastuurka KMG Ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dhigaya in Dowladda dhexe ee Xamar, ay awoodaheedu yihiin 4, kuwaas oo kala ah, Gaashaandhigga, Maaliyadda, Arrimaha Dibedda iyo Socdaalka iyo Jinsiyadaha, iyadoona wixii kasoo hara afartaas awoodood ay yihiin kuwo gaar  ay u lee yihiin Dowladaha xubnaha ka ah DFS iyo kuwo in wada-tashi iyo heshiis ka gaaraan Labada dhinac ah.

    Arrimaha Bulshada oo ay ugu horeeyaan Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa ah awoodaha maamulkooda ay lee yihiin Dowladaha xubnaha ka ah DFS, sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee Dalka, Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland ayaana ku tilmaamay qorshaha Wasiir Goodax mid aysan marna qaadan doonin Puntland.

    DFS ma waxay dareenta inay Puntland u dabacsan tahay Hormarinta Mastaqbalka Carruurta Degaanadeeda ?

    Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Puntland ayaa waxaa ka dhex aloosan 2 sanno ee ugu dambeysay Khilaafka siyaasadeed, kaas oo salka ku haya arrimaha masiiriga ah ee Dalka, kuwaas oo ay Puntland ku doodeyso inuu xaq u siinayo Dastuurka KMG ah ee Dalka, in lagala tashado.

    Wasiirka Waxbarashada Dowladda Puntland ayaa shirkiisii jaraa’id ee axadii ku sheegay in Dowladda Federaalka ay siyaasadeysay arrimaha Waxbarashada Dalka iyo Shahaado siinta ardayda Reer Puntland, oo ah kuwo hela Waxbarashada ugu tayada badan Soomaaliya.

    Waxbarashada Puntland ayaa lagu ammaanay inay tahay mid dheeli-tiran, sidoo kalena ay Puntland ku bixisay dadaal balaaran sanadihii ugu dambeeyay, Dadka la socda arrimaha Siyaasadda ayaana qaba in Dowladda Federaalku ay u muuqato inay dooneyso inay carqaladeyso Hormarinta Waxbarashada Puntland, si dabacsani uga hesho Puntland, kaddib markii ay ku loodin weyday fagaarayaasha Siyaasadda.

    Professor Cabdi Ismaaciil Samatar, oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa ku eedeeyay Wasiirka Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya mid ku wareeray Siyaasad, oo u muuqda in uusan garaneyn shaqada loo igmaday, isagoona intaas ku daray inuu ka turjumayo Tayo xumada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.