Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyay ee Galmudug & Diiwaan-gelinta musharixiinta oo maanta ku eg
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyay ee Galmudug & Diiwaan-gelinta musharixiinta oo maanta ku eg

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen Galmudug, sida uu sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug.

    Guddiga ayaa muddo 24 saac ah shalay ku kordhiyay isdiiwaan gelinta Musharixiinta doorashada taasi oo ku eg maanta si musharaxiinta daneynaya in ay u tartamaan doorashada Galmudug ay fursad ugu helaan in ay is diiwaan galiyaan.

    Afar kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Galmudug ee lagu tiriyo inay yihiin mucaaradka ayaa diidey inay is diiwaan geliyaan kana qeyb galaan doorashada Galmudug ee ka socota Magaalada dhuusamareeb, hayeeshee waxaa is diiwaan geliyey laba musharax oo lagu tirinayo dhinaca dowladda.

    Sidoo kale, Maamulka Ahlu-sunna ayaa isaga baxay Howlaha doorasho ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay Dowladda ku eedeeyeen inay Maamul salka ku haya Al-Shabaab ay doonayso inay ka dhisto Galmudug, iyagoona intaas ku daray inay dhisayaan Maamul cusub.

    Dhinaca Odayaasha dhaqanka Galmudug ayaa  soo dhoweeyay hanaanka uu ku socdo dhismaha Galmudug, iyaga oo uga mahad celiyay dowladda dadaalada ay ku bixineyso dhismaha Maamulka Galmudug.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.