Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab oo baahisay Muuqaalka mid kamid ah ragii isku qarxiyay Hotelka SYL (VIDEO)
    Somalia

    Al-Shabaab oo baahisay Muuqaalka mid kamid ah ragii isku qarxiyay Hotelka SYL (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 27, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbahinta Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay farriin uu reebay mid ka mida is-miidaamiyeyaashii ugu waaweynaa oo qarax culus ka geystay magaalada Muqdisho.

    Farriinta ayaa laga duubay Shukri C/llaahi Diiriye oo loo yaqiin (Jaabir), kaas oo sanadkii 1972, ku dhashay degaanka Busaar ee Gobolka Gedo, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Mareexaan.

    Ninkan odayga ee is-miidaamiyaha ah wuxuu ka trisanaa ciidamada jeyshka loo yaqaan ee Al-Shabaab iyo qeybta Dacwada, isagoo markii danbe ka mid noqday is-miidaamiyeyaasha Al-Shabaab, waxaana uu muuqaalkiisu kamid yahay Taxane ay Alshabaab bilowday inay baahiso oo ku saabsan farriimihii dardaaranka ee laga reebay raggii is-miidaamiyey ee Al-Shabaab.

    HALKAAN KADAAWO MUQAALKA VEDIO

    Weerarka uu isku qarxiyey ayaa ayuu la beegsaday Hotelka SYL 30-kii Ogost 2016, isagoo waday Gaari xamuul ah oo xoog ku jiiray barta Sayidka ee laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna geysay burburkii ugu weynaa ee uu geysto qarax Hoteelka lagu beegsaday oo saameyn ku yeeshay dhammaan dhismooyinka ku dhowaa. Waxaana qaraxa dhaawac iyo dhimasho kasoo gaartay dad ay ka mid yihiin masuuliyiin.

    Farriintiisa ayuu ku sheegay inu Carruurtiisa kuwa qaangaarka ah uu Alshabaab ku biiriyay, halka kuwa aan weli qaangaarin uu kula duardaarmay inay tagaan xeryaha lagu tababaro maleeshiyada Al Shabaab. Dardaarankiisa ayuu uga hadlay waxa ku kalifay inuu is-qarxiyo, wuxuuna gaaleysiinayaa dowladda Soomaaliya iyo dadka ka tirsan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.