Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AFRICOM oo war kasoo saartay in duqeyn ka dhacday J/Hoose
    Somalia

    AFRICOM oo war kasoo saartay in duqeyn ka dhacday J/Hoose

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 28, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn diyaaradaha Mareykanka shalay ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe ee Degaanada Jubbaland.

    Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla agagaarka degmada Jilib ee gobolkaasi.

    Sidoo kale AFRICOM ayaa xaqiijisay in weerarkan dhanka cirka ah lagu khaarijiyey xubin ka tirsan Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa iyo waxa uu qaabilsanaa.

    Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeynta ay qeyb ka ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

    Ugu dambeyn AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weerkaan uu khasaare ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan deegaanadaasi.

    Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilaabay iney ka firxadaan duqeynta Mareynkanka oo kaashanaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda,kuwaas oo lagu beegsanayo xarumaha argagixisada kaga dhuumaaleysanayaan dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.