Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AFRICOM: Umaanan diyaarsaneyn weerarkii Manda Bay
    Somalia

    AFRICOM: Umaanan diyaarsaneyn weerarkii Manda Bay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 30, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM, oo guddi hoosaad ka tirsan Aqalka Senate-ka Mareykanka ay maanta su’aalo ka weydiiyeen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay, ayaa qiray in ciidamada Mareykanka aysan weerarkaas ugu diyaar garoobin sidii loo baahnaa.

    Jeneral Stephen Townsend, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeesheen inay soo jebiyaan xeendaabka saldhigga Manda Bay, islamarkaana ay gudaha usoo galaan.

    “Dad badan ma oga, balse saldhigga ay ciidamadeena ku nool yihiin ma ahan saldhigga la weeraray. Hase yeeshee waxay awood u yeeshaan inay soo galaan saldhigga, oo ay dilaan saddex qof oo Mareykan ah, islamarkaana ay burburiyaan lix diyaaradood. Sidaas darteed uma aynan diyaarsaneyn sidii loo baahnaa,” ayuu yiri.

    Jernal Townsend ayaa sheegay inay weli baarayaan sababta ay ku dhacday in ciidamada aysan sameyn diyaar garowgii iyo feejignaantii loogaa bahnaa.

    Waxa uu intaas ku daray in kadib weerarka ay halkaas geeyeen 120 askari, oo hadda xaqiijinaya amniga, islamarkaana saladhigga u yeelaya daafaca ku habboon.

    Jeneral Townsend ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in weerarkaas uu AFRICOM ku qasbay inay dib uu eegaan guud ahaan saldhigyadooda qaaradda Africa, sababtoo ah buu yiri, waxay rumeysnaayeen in saldhigga Manda Bay uu ahaa saldhig amnigiisu sugan yahay.

    “Al-Shabaab waxa ay na tuseen halka ay garaaan iyo halista ay soo rogi karaan. Waxaan u baahannahay inaan taas u qaaddano si dhab ah. Sidaas darteed waxaan hadda indha furan ku eegayaa goob kasta oo qaaradda Afrika ku taalla,” ayuu yiri.

    Taliya Twonsend ayaa dhinaca kale ka hadlay taageerada AFRICOM ay siiso dowladda Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay ka kooban tahay laba qeyb.

    “Labada shaqo ee weyn ee aynu hayno ayaa ah inaan gacan ka geysano tababarka laba qeyb oo ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, oo ciidamada lugta ee fudud ee gaarka ah. Waxaan sidoo kale fulinaa weerar ka hortag argagixiso ah. Waxaa looga gol leeyahay inay gacan ka gaystaan dadaallada caalamiga ah iyo dadaallada Soomaalida, balse waxaa sidoo kale laga damacsan yahay inay ilaaliyaan America,” ayuu yiri.

    Townsed ayaa sidoo kale sheegay in waxa ugu weyn oo ay hayaan ay tahay in ay isha ku hayaan Al-Shabaab maalin kasta, islamarkaana ay yareeyaan awooddooda.

    “Waxa aan sameyno ayaa ah inaan Al-Shabaab isha ku hayno maalin kasta, waxa aan dooneyno ayaa ah inaan yareyno awooddooda meel kasta oo aan ku awoodno. Dadaalka ah in la kala dhantaalo Al-Shabaab oo la wiiqo awoodda Al-Shabaab iyo hoggaankooda, hoggaankooda dhexe iyo hoggaankooda sare ayaa qeyb ka ah waxa aan sameyno.”

    VOA Somali

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.