Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland oo bilowday baaritaanka Dadka ka imaanaya Dibedda (Sawirro)
    Somalia

    Puntland oo bilowday baaritaanka Dadka ka imaanaya Dibedda (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 1, 2020Updated:February 1, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland ayaa maanta garoonka diyaaradaha Gen. Mohamed Abshir ee Magaalada Garoowe ka daahfurtay baaritaanka dadka ka imaanaya dibada si looga hortago cudurka Corona Virus oo wadamo badan ka dilaacay.

    Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa baaristan ku bilowday Dadka saarnaa diyaarada Ethopia Airline oo dhamaantood la mariyay screening lagu ogaanayo xaaladooda caafimaad.

    https://www.facebook.com/826003914191316/videos/155478759235122/

    Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Dowladda Puntland Dr Jamac Farax Xasan, ayaa ka waramay ujeedka iyo qorshaha wasaaradda ee baaritaanka dadka ka imaanaya dalka dibadiisa, isagoona sheegay in baaritaanka ay u saneynayaan si looga taxadaro in cudurka aduunka meelo kala duwan looga sheegay la iskaga ilaalin lahaa.

    “Waxaan umahadcelinayaa masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda Duulista iyo Garoomada sida ay noogala shaqeeyeen bilaabida baaritaanka aan maanta bilaabayno, waxaan rabaa inaan shacabka reer Puntland la wadaago in dhamaan dadka soo dagaya oo imaanaya garoomada kala
    duwan ee Puntland lagu samayn doono baaritaan si looga taxadaro in cudurka aduunka meelo kala duwan looga sheegay la iskaga ilaalin lahaa,waxaa wasaaraddu diyaarisay kooxo caafimaad oo iskugu jira dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo samayn doona baaritaan, sidoo kale waxaa wasaaraddu diyaarisay oo heegan ah dhamaan cisbitaalada waaweyn ee Puntland si hadii ay dhacdo in la helo cid laga shakiyo loogu adeego.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.