Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxwaynaha Ciraaq oo magacaabay Ra’iisulwasaare cusub
    Somalia

    Madaxwaynaha Ciraaq oo magacaabay Ra’iisulwasaare cusub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 1, 2020Updated:February 1, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwaynaha Ciraaq Barham Saalix ayaa magacaabay raysul wasaare cusub oo buuxin doona booskan uu iska casilay raysul wasaarihii hore ee dalkan Cadil Cabdul Mahdi bshii Diseembar ee sanadkii 2019 ee tagay si loo so oaf meero in ka badan 2 bilood oo uusan dalkan lahayn raysul wasaare rasmi ah.

    Mohammed Tawfiq Allawi ayaa loo magacaabay in uu noqdo raysul wasaaraha cusub ee dalkan inta laga gaadhayo doorasho xilligeeda laga soo hor mariyay oo dalkan lagu qaban doono.

    Raysul wasaaraha cusub ayaa looga fadhiyaa in uu xukuumad cusub dalka ugu soo dhiso mudo 30 maalmood gudohood ah iyada oo ay hor taaganyihiin dibadbaxypo lagaga soo hor jeedo dawladda Curaaq oo ay shacabka dalkan dhigayeen 4tii bilood ee tagtay.

    Magacaabiddan ayaa timid kadib is mariwaa ka dhex dilaacay baarlamaanka dalkan xildhibaanada ka soo jeeda axsaabta kala duwanna ay isku raaci waayeen magacaabidda hal raysul wasaare madaxwaynuhuna uu ballan qaaday in uu isagu raysul wasaare magacaabi 1da bisha Febraayo hadii uusan baarlamaanku intaa ka hor magacaabidan samaynin.

    Allawi oo ah siyaasi 65 sano jir ah oo laba jeer noqday wasiirka is gaarsiinta dalkan ayaa magacaabidiisa kadib farriin muuqaal ah oo uu ku baahiyay boggiisa Twitter-ka ku ballan qaaday in uu dhisi doono xukuumad la dagaasha musuqa dalkana ka saarta culayska dhaqaale isaga oo shacabka dibadbaxayana ugu baaqay in ay sii wadaan kacdoonkooda ka dhanka ah musuqa.

    Raysul wasaaraha cusub ayaa ballan qaaday in uu xilkan iska casili doono hadii ay dhinacyada isku haya siyaasadda dalka ay isku dayaan in ay ku khasbaan magacaabidda wasiirro iyaga matalaya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.