Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C/raxmaan Odawaa “Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka shaqeeyey in Galmudug yeelato 3 madaxweyne”
    Somalia

    C/raxmaan Odawaa “Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka shaqeeyey in Galmudug yeelato 3 madaxweyne”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 2, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena kamid ahaa musharixiinta aan is diiwaangelin ee Galmudug ayaa sheegay in uu ka Shaqeyn doono xalinta Galmudugyada badan.

    Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay deegaannada Galmudug ka abuurtey Galmudug badan, waxaana Maanta uu sheegay in galmudug ku suntahay taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayuu ku eedeeyey inay sabab u yihiin in Galmudug ay yeelato Saddex Madaxweyne,waxaana uu kulan lagu dhisaayo Galmudug mid ah uu ugu yeeray waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug.

    Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa

    Waxa aan qeyb ka noqon donaa Xalinta Galmudugyada badan oo ay abuurtay dowladda Federaalka ah.

    Maanta waxay Dowlad goboleedka Galmudug ugu suntantahay maalinta taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug. “Madaxweyne” saddexaad ayey dowladda Federaalka ahi ku magacowday caasimadda Dhuusamarreeb.

    In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen inay Galmudug ka sameystaan maamul ay gacantooda ku samaysteen.

    Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsantahay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa.

    Mar walba waxaan u taagnaan doonaa halhayskaaygii ahaa “Galmudug mid ah”

    Waan sii wadi doonaa wixii adeeg iyo horumar ah ee aan deegaanka ka waday ama aan la jeclaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.