Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray Doorashada QoorQoor
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray Doorashada QoorQoor

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 2, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray ugu hambalyeeyay Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor, oo maanta loo doortay Madaxweynaha Galmudug ee garabka DFS.

    Halkaan Hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid oo maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimo ee Galmudug.

    Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre dadaalka wax ku-oolka ah ee uu geliyey sidii hannaanka Maamul ee Galmudug uu u yeelan lahaa muuqaal ka tarjumaya ilbaxnimada, garashada, is-ogolaanshaha iyo wadajirka bulshada iyo waxgaradka Galmudug.

    Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, laamaha ammaanka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Guddiga Doorashada iyo Golaha Baarlamanka Galmudug doorka ay ka qaateen miro-dhalka geeddi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Galmudug iyo sidii looga dhabeyn lahaa rabitaan dadkeeda u ooman horumarka iyo midnimada.

    “Waxaan Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Cabdi Qoor-qoor iyo K/xigeenkiisa Mudane Cali Ciid ugu hambalyeynayaa xilalka loo doortay, anigoo xasuusinaya yididdiilada bulshada Galmudug ee ku aaddan in ay deegaannadaas u horseedaan midnimo, caddaalad iyo horumar.”

    Madaxweynaha ayaa u rajeeyay shacabka Galmudug isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni, talo-wadaag iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada iyo dhammaan deegaannada Dowladda Goboleedka Galmudug.

    Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday, ayna astaan nabadeed iyo midnimo u noqdaan Galmudug.

    DHAMMAAD.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.