Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo ka hadlay duqayn ka dhacday J/dhexe
    Somalia

    Mareykanka oo ka hadlay duqayn ka dhacday J/dhexe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 3, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War saxaafadeed kasoo baxay hawlgalka dowladda Mareykanka u qaabilsan qaaradda afrika ee AFRICOM, ayaa lagu sheegay in weerar ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku beegsadeen qaar kamid ah xubno kamid ah dagaalamayaasha al-Shabaab.

    Weerarka oo ahaa dhanka cirka ayaa sigaar ah kaga dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubadda dhexe halkaas oo ay ku xoogan yihiin dagaalayaasha al-Shabaab, AFRICOM ayaana warkeeda ku sheegtay in lagu qaarijiyay mid kamid ah Saraakiisha Al-Shabaab, iyadoona sidoo kale sheegay in qiimeen ay sameeyeen weerarka kadib ay ku xaqiijiyeen in ay waxyeelo soo gaarin dadka shacabka ah.

    Madax hawlgalada Africom William Gayler, ayaa sheegay in dagaalayaasha al-Shabaab ay qayb ka yihiin kooxaha argagaxisada ah ee dunida kajiro ayna doonayaan in sara ay usii qaadaan weeraraooda jihaadiga ah.

     “”In aad disho hal ruux oo kamid ah argagaxisada ayaa gobolka iyo Mareykankaba ka dhigeeso mid bad qaba, iyadoona ay sii socon doonaan cadaadiska looga hortagayo al-Shabaab”  ayuu hadalkiisa sii raaciyay Gayler.

    Dabayaaqadii bishii tagtay ee Janaayo, ayay aheyd markii weerar ka dhacay meel u dhaw magaalada Jilib lagu dilay xubin katirsan dagaalamyaasha al-Shabaab.

    Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay weerarada dhanka cirka ah, ee ay diyaaradahoodu ka geystaan Soomaaliya, waxaana sanadkii tagay ee 2019-kii uu noqday kii ugu weerarada badnaa, diyaaraha Mareykanka ayaana Soomaaliya ka gaystay in kabadan 60 weerar oo dhanka cirka ah kuwaas oo badankood lala beegsaday goobaha ay dalka kaga suganyihiin xubnaha katirsan dagaalamyaasha al-Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.