Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Degmada Ceel-buh ee Gobalka Sanaag oo yeelanaysa saldhigii ugu horeeyey oo Boolis
    Somalia

    VIDEO: Degmada Ceel-buh ee Gobalka Sanaag oo yeelanaysa saldhigii ugu horeeyey oo Boolis

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 3, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo wehlinayaan Wasiirada Amniga, Maaliyadda, Waxbarashada, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Taliyaha qaybta Booliska gobolka, waxgaradka iyo cuqaasha magaalada Ceelbuh, ayaa maanta dhagax-dhigay saldhiga Booliska Degmada Ceel-buh ee Gobalka Sanaag.

    Saldhigan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee laga hirgaliyo magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag waxaa kharashka ku baxaya bixinaya Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo deegaan doorashadiisu ay tahay, waxaana talabaadan ka mahadceliyey cuqaasha iyo waxgaradka magaalada.

    Guddoomiye C/rashiid ayaa sheegay in saldhigan uu ka qeyb qaadanayalo amniga iyo hormarka Magaalada Ceel-buh, isagoona intaas ku daray inuu rajeynayo in 45-cisho gudahood lagu dhiso saldhigan.

    ”Magaaladan waa magaalo weyn, oo aad u baaxad weyn runtii, sidaas daraadeed waxay baahi u qabtaa xaruntii booliska iyo xaruntii degmadu ay ku shaqeyn lahaayeen, maadaama marar badan odoyaashu ay soo codsadeen in magaalada ay rabaan in horey ay u sii socoto, oo heer degmo gaadho, sidaa awgeed waa in waxyaabaha aasaasiga ah ee dawladnimadu ka bilaabanto ay yeelataa, markaa maanta waxaan dhagax dhignay Saldhigii booliska ee magaalada Ceelbuh, oo aan rajayn-doono in mudo 45-cisho gudahooda uu ku dhameystirmo”. ayuu yiri Gudoomiyaha golaha Wakiillada oo hadal kooban ka jeediyey madashii dhagax dhiga Saldhiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.