Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka Jubbaland oo dagaal kula wareegay degaanka Haawina
    Somalia

    Ciidanka Jubbaland oo dagaal kula wareegay degaanka Haawina

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 4, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Jubbaland ay howlgallo qorsheysan ka fuliyeen deegaano hoostaga degmadaasi.

    Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa Ciidamadu si gaar ah uga fuliyeen degaan lagu Magacaabo Haawina  oo ay ku sugnayeen Al-Shabaab, waxaana la sheegay in dagaal kooban oo labada dhinac halkaasi ku dhexmaray ay Ciidanka Jubbaland kula wareegeen deegaankaasi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa.

    Wararka ayaa Intaasi ku darayaan inuu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaarey dagaalka, hase yeeshee aysan jirin cid madax banaan oo xaqiijineysa.

    Shalay ayay aheyd markii gaari ay dad shacab ah  la socdeen uu qarax ku haleelay inta u dhaxeyso Degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana la xaqiijiyay in qaraxaasi ku geeriyoodeen afar qof, halka  lix kalena ay ku dhaawacmeen.

    Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in maanta ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, iyada oo saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay wadaan howlgallo ay Al-Shabaab uga saarayayaan deegaanada Gobolada Jubbooyinka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.