Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Daynta Cafinta Somaliya fari kama qodna
    Somalia

    Daynta Cafinta Somaliya fari kama qodna

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Deyn Cafintu fari kama qodna ( Wax ka ogow marxaladaha la soo maray iyo go’aankii shalay ee IMF)

    Shabakada Jowhar.com ayaa dabagal ku sameysay hannaanka deyn cafinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay, laga soo bilaabo sanadkii 2011, waxaa xogo kala duwan ka uruurinay dhaqaalayahano si dhow ula socday Nidaamka deyn cafinta iyo marxaladihii uu soo maray.

    Haddaba waxaa halkan ku soo koobeynaa warbixinadii aan uruurinay.
    Dhaqaaluhu waa rukniga labaad ee dowladnimada marka laga tago sharciga. Laakiin sida caadada ah bulshooyinka adduunka ee aan shacabkoodu wax badan ka fahmin dhaqaalaha iyo siyaasadda waxay dhibane u noqdaan marin habaabinta ay sameeyaan siyaasiyiinta..
    Shalay IMF ayaa war soo saartay ee sheegaysa in Soomaaliya ay u qalanto deyn cafin, dad badan ayaa u fasirtay, dowladduna sidaas bay u jiheysay, in Soomaaliya bisha soo socota laga cafin doonno deynta gaaraysa 5.3 billion dollar ee Soomaaliya lagu leeeyahay.

    Haddaba IMF taasi ma sheegin. IMF waxay sheegtay in Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin soo bilowday 2011, oo markaan gaartay marxaladda koowaad ee u qalmidda deyn cafinta ee loo yaqaanno Decision Point, oo ah in IMF iyo World Bank oo wada jira ay Soomaaliya u billaabaan tallaabooyinka ugu horeeya ee deyn cafinta oo socon kara 3 sanno illaa iyo 16 sanno.

    Deyn cafinta marka la billaabayo waa Decision Point, oo March 2020 la filayo, Soomaaliyana in deyn laga cafiyo oo ay gaarto marxaladda loo yaqaanno Completion Point, waxaa naga xiga sanado oo dadaal dheeri ah la muujiyo.

    Barnaamijka HIPC ee waddada faqriga ah deynta looga cafiyo wuxuu maraa afar marxaladood:

    1- Ambaqaadid Xiriirka IMF iyo World Bank.
    2- Kormeerka IMF oo 6 bilood looga gudbi karo.
    3- U qalmid Deyn cafin oo la yiraahdo Decision Point oo qaadan kara ugu yaraan 3 sanno illaa iyo 16 sanadood.
    4- Deyn cafin kama dambeys ah oo loo yaqaanno Completion Point.

    Maxaa la soo maray:
    1- Ambaqaadid Xiriirka IMF iyo Word Bank (Reengagement). Arrintaan waxaa billaabay dowladdii uu hoggaaminayay Sheekh Shariif. Shuruudaha ku xirnaa in ay samayso waxaa ka mid ahaa in Dastuurka la ansixiyo, ku meel gaarkana laga baxo.

    2-Waxaa xigay in dowladdii Xasan Sheekh ay ambaqaadday xiriirkii. Waxay ka gudubtay samaynta shaqaalaha rayidka, bankiga dhexe howlgalintiisa, abuurka golaha maaliyadda FGC, kaddibna waxay bilowday barnaamijkii ugu horeeyay ee kormeerka IMF ee SMP 1. Dowladdii Xasan Sheekh waxay ku dhacday in ay SMP 1 guul ka gaarto.

    4- SMP 1 waxaa loogu tala galay in looga gudbo keliya muddo 6 bilood ah go’aanka shalay soo baxay oo ahaa Decision Point. Hase ahaatee is bedeladii iyo sharciyadii loo baahnaa sida kan maamulka maaliyada, sharciga shirkadaha, midka la dagaalanka wax is daba marinta intaba lama sameyn.
    SMP 1 oo uu maamulkii Xasan Sheekh ka gudbi waayay, ayaa waxaa looga gudbay SMP 2.

    5- Dowladda madaxweyne Farmaajo waxay ka gudubtay SMP 4, balse waxay ku dhacday SMP 2, waa loo kordhiyay SMP 3, kaddib kordhintii dambe ayay kaga gudubtay 13 ka mid ah shuruudihii, ayagoo weli ay 4 kale u dhiman tahay.

    Decision Point oo la filayo March waa bilowga deyn cafinta, wuxuuna socom doonnaa muddo 3 sanno ah.

    Haddii Madaxweyne kale la doorto ama Farmaajo dib loo doorto, is bedeladuna socdaan deyn cafinta waxaa la gaari doontaa marka ay ugu dhowdahay 2023.

    Guusha deyn cafintu ma kooxda 2023 ku aadda xukunka miyaa sheegan doonta mise Madaxweyne iyo wasiir Maaliyadeed walba oo wax ka soo qabtay.

    Tifaftirka Jowhar.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.