Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MADAXWEYNE DENI OO MAGACAABAY GUDDIGA QABANQAABADA SHIRKA WADA-TASHIGA DOWLADDA PUNTLAND
    Somalia

    MADAXWEYNE DENI OO MAGACAABAY GUDDIGA QABANQAABADA SHIRKA WADA-TASHIGA DOWLADDA PUNTLAND

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boosaaso: 18, February 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya Warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee ku qabsoomay magaalada Boosaaso, Bishii February 07, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid ahayd in la qabto shir weyne wadatashi ah 15-ka Bisha March 2020 oo ay isugu imaanayaan Goleyaasha Dowladda Puntland iyo Wakiillada ku matala Dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka si looga tashado mustaqbalka Dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgelinta hanaanka Federaaleynta Dalka.

    Sidaas darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu u magacaabay Guddiga Qabanqaabada Shirka Wada-tashiga Dowladda Puntland xubnaha hoos ku xusan:

    1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.
    2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.
    3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.
    4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.
    5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.
    6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.
    7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.
    8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.
    9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.
    10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.
    11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin.

    =DHAMMAAD=
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.