Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maraykanka iyo Talibaan oo heshiis wada gaaray
    Somalia

    Video:-Maraykanka iyo Talibaan oo heshiis wada gaaray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 29, 2020Updated:February 29, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka ayaa kooxda Taliban la saxiixday heshiis taariikhi ah maanta oo Sabti ah taasi oo u gogol xaari kareysa in ciidamada shisheeye ay ka baxaan dalka Afghanistan 14-ka bilood ee soo socda taasi oo soo afjareysa colaadda 18 sano jirsatay ee dalkaasi.

    Inkasta oo heshiiskani uu qeexayo in Mareykanku uu si tartiib tartiib ah uga baxo dalkaasi Afghanistan, wadahadallada dhinacyada Afghanistan ayaa noqon kara kuwa aad u adag.

    Heshiiskan ayaa waxaa ku kala saxiixday caasimadda Qatar ee Doha, ergayga wadaxaajoodka ee Mareykanda Zalmay Khalilzad iyo madaxa siyaasadda ee Taliban Mullah Abdul Ghani Baradar.

    Xoghayaha Arrimaha Debedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa goob jog ka ahaa munaasabadda saxiixa heshiiskan.

    Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa u duulay magaalada Kabul, booqasho ay khubaradu ku sheegeen in looga gon leeyahay sidii xukuumadda Afghanistan loogu xaqiijin lahaa ka go’naanshaha Mareykanka ee taageerada dalkaasi.

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay Taliban iyo xukuumadda Afghanistan iney fursaddan ka faaiideystaan, isaga oo xusay in haddii laga dhabeeyo ka mira dhalinta waxa lagu heshiiyey ay taasi horseedi doonto soo afjarista colaadda Afghanistan iyo in ciidanka Mareykanku ay dalkooda ku soo laabtaan.

    Madaxweynihii hore ee Afghanistan Hamid Karzai ayaa u sheegay laanta Afghanistan ee Idaacadda VOA inuu ku faraxsan yahay saxiixa heshiiska nabadeed ee maanta waxaana uu xusay inuu ku raja weyn yahay in wadahadallada kooxaha Afghanistan ay si dhaqsa ah u bilowdaan.

    Wadahadallo dhexmara Taliban iyo saraakiisha dowladda Afghanistan ayaa lagu wadaa iney bilowdaan muddo 10 cisho gudahood ah.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.