Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Muuse Biixi oo ka hadlay dagaalka Sanaag
    Somalia

    Video:-Muuse Biixi oo ka hadlay dagaalka Sanaag

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 19, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi,ayaa sheegay in dawlad ahaan aanay waxba la hari doonin joojinta dagaallo beeleedyo saaka laba maleeshiyo ku dhexmaray degmada fadhigaab ee Gobolka Sanaag.

    Madaxweynaha Biixi wuxuu sheegay Ciidamada booliska ee Somaliland in ay ku guuleysteen kala dhexgalida maleeshiyadaas

    Dagaalkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dirir dhawrkii sano ee u danbeeyay gobolkaasi meelo ka mid ah ku dhexmaraysay maleeshiyo beelaadyo iska soo horjeeeda.

    “Marweliba oo uu dagaalkaasi dhaca dowladda intey gurmato oo ay ciidan kala dhexdhigto ayaa xalka loo doonaa Culimada iyo waxgaradka, inta uu dagaalkaasi socdayna marweliba waa la soo gabgabeeyaa si diimeed, si dhaqameed iyo si dowladeedba marweliba waxaa la yirahdaa waa la heshiiyey waa la isdhaarsadaa marka la soo dhaqaaqana halki unbuu ka billaawdaa” ayuu yiri madaxweynuhu.

    “Dowladduna marar badan ciidamo ayey beelahaasi kala dhex dhigeysay, laakiin xalku waxaa weeye dadka deegaankaasi isku dilaya haddii ay iyagu ka soo go’in nabaddu marwalba oo heshiis la galaba oo ay hadana colaadu billaabaan iyaga ayay eedda saaran tahay, waa in iyaga xal laga helaa” ayuu yiri.

    “Inkabadan 200 oo qof baanu xidhnay, dagaalkan imika dhacay halkan waxaa ku xiran 80 jirro ay inamadooda wax dileen xaqna maaha in maalin walba oday 90 jir ah la soo jiido oo inanka walaalkii iyo adeerkiina la baxsanayaan ninki wax dilay oo ay qarinayaan”.

    Madaxweyne Muuse Biixi waxaa kala oo uu sheegay in la furay sanduuq Covid-19 looga tala galay oo ay xukumaddu ku shubtay 3 malyan oo doolar, si ay dadka tujaarta ah gacan uga geystaan.

    Dhanka kale Madaxweyne Muuse, ayaa ka hadlay hawsha culimmada iyo xiritaanka masaajidda, wuxuuna sheegay in hawlaha caafimaadka aysan isaga iyo wadaaddada midna u oollin, ee ay tahay hawl bahda caafimaadka maanta u taalla. Isaga oo sii sheegaya waxay isaga culimadu kala yeeli doonaan ayuu yidhi: ‘Waa loo ergo badiyaa culimada inta aanan tallaabbo qaadin”

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.