Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu ka yiri dib udhiga kulanka Baarlamaanka C.C.Warsame?
    Somalia

    Muxuu ka yiri dib udhiga kulanka Baarlamaanka C.C.Warsame?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saaxiibbo badan ayaa i soo waydiiyey kulammada Baarlamaanka oo dib loo dhigay ilaa muddo aan la cayimin. Muddo kororsi billawgeed so maaha ayaan igu yiraahdeed. Waxaan ku iri xilligii uu dhammaan rabay muddo xileedkii dowladdii Carta lagu soo dhisay, madaxweyne C/Qaasim na uu maareyn waayey kala guurkii awood wareejintii, Raysal-Wasaarihiisii Xasan Abshir ayaa qeyb ka noqday shirkii Eldoret, waxaana shirka hagayey IGAD.

    Xiligii madaxweyne C/laahi Yuusuf (AUN) uu kari waayey maareeynta kala guurkii awood wareejinta, Raysal-Wasaare Nuur Cadde ayaa oggolaaday shirkii Jabuuti, Qarmada Midoobe ayaana shirka gacanta ku haysay.

    Markii uu madaxweyne Shariif maareyn kari waayey kala guurkii awood wareejinta Kampala ayaa la isla tegey, madaxa Raysal-Wasaare Farmaajo ayaa lagu heshiiyey, hawshii kala guurkana UN-ka ayaa la wareegay. Madaxa Farmaajo wuxuu keenay in muddo sanad la helo.

    Madaxweyne Xasan Shiikh tanaasul badan ayuu sameeyey, si kala guurka uu u maareeyo. Wuuna ku mahadsan yahay. Tanaasulkaas wuxuu ka badbaadiyey in dalka dibaddiisa la isla aado.

    Haddaba madaxweyne Farmaajo labo waddo midkood ayaa u furan;

    1- In uu tanaasul la yimaado, kartina u yeesho muddada yar ee harsan maareynta kala guurka awood wareejinta.

    2- Ama faragelin iyo in dalka dibaddiisa la tago u diyaar garoobo.

    Madaxweyne Yuusuf markii uu arkay in ay talo gacantiisa ka baxday, wuu xishooday oo si xarrago leh ayuu xilka uga degey, isagoo ay sanad u harsan tahay, laakiin madaxweyne C/qaasim hawl uu billawgeedii diiday ayuu dhammaadkeedii isagoo marti ah ka tartamay wixii ku dhacayna waa la ogaa.

    Raysal-Wasaare Khayre waxaa u furan in uu qayb ka noqdo kala guurka awood wereejinta, sidii Xasan Abshir iyo Nuur Cade, haddii uu isku dayo in uu muddo kordhinta qeyb ka noqdo sidii Farmaajo ha isku diyaariyo in madaxiisa lagu heshiinayo.

    Yaan waqti la iska lumin ee waayihii inna soo maray wax halaga barto. Ma jiraan Baarlamaan iyo Xukuumad kaligood muddo kororsi samayn kara.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.