Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubbaland oo eedeyn kulul u jeedisay DF Soomaaliya
    Somalia

    Jubbaland oo eedeyn kulul u jeedisay DF Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 22, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey in aysan weli soo gaarsiin lacag hal Milyan oo Dollar ah oo ay u balan qaaday Maamul Goboleedyada si ay uga qeyb qaataan la tacaalida Cudurka Coronavirus.

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Guddiga ka hortaga COVID19 ee Jubbaland ayaa sheegay in Akoonka Jubbaland ay dhowr maalin ka fiiriyeen lacagtaas,hayeeshee ay ka waayeen.

    Waxaa uu sheegay Wasiirka in kulan dhinaca Internet-ka oo dhex-maray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddiyada ka hortaga COVID19 uu Ra’iisul Wasaaraha weeydiiyey lacagta uu balan qaaday maadaama Jubbaland aysan awoodin lacago wax loogu qabto ka hortegida Cudurka Coronavirus.

    Wasiir Darwiish oo Kismaayo uga qeyb galay kulan looga hadkayay COVID19 ayuu sheegay in ka Maamul ahaan ay dadaal ku bixinayaan ka hortegida Cudurka,balse ay u baahan yihiin taageere dhaqaale si ay u ilaaliyaan Caafimaadka Bulshada.

    Deegaannada Jubbaland gaar ahaan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa dhawaan laga halay laba Kiis oo Cudurka Coronavirus ah,waxaana warar soo baxayay ay sheegayaan in labadaasi qof ay ka baxsadeen Xarun lagu karantiilayay oo ku taalla Kismaayo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.