Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG: Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska oo xilkii laga qaaday
    Somalia

    XOG: Taliyayaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska oo xilkii laga qaaday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 25, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda Is-bedel ku sameeyo Hoggaanka Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska, sida ay sheegayaan wararka laga helayo Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

    Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News in Madaxweyne Farmaajo uu xilka ka qaayo Taliyaha Ciidanlka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar.

    Wararka ayaa intaas ku daraya in Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka loo magacaabi doono Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka, wallow aan la ogeyn cida loo wado Taliyaha Ciidanka Booliska.

    Is-bedelka lagu sameynayo Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska ayaa noqon doono kuwii 4-aad ee uu ku sameynayo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo la xasuusto in Madaxweynayaashii ka horeeyay uu ku dhaliili jiray Is-bedelada Hoggaanka Ciidamada.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.